14 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Maali.

Sunday January 28, 2018 - 10:33:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Waqooyiga Dalka Maali.

    Tobaneeyo katirsan ciidanka Melleteriga Dowladda Maali ayaa lagu dilay weerar aad u xooggan oo xoogag Jihaadi ah ka fuliyeen saldhig melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo katirsan ciidanka Melleteriga Dowladda Maali ayaa lagu dilay weerar aad u xooggan oo xoogag Jihaadi ah ka fuliyeen saldhig melleteri.



Wararka ka imaanaya waqooyiga Maali ayaa sheegaya in xoogag jihaadiyiin ah ay qabsadeen saldhig melleteri oo kuyaal tuulada Sumby waxayna dileen ugu yaraan 14 askari oo melleteriga katirsan.

Qof Goob jooge ah oo ku sugan deegaanka weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in ay xoogaga weerarka qaaday ay cagta mariyeen saldhigga ciidanka islamarkaana ay daabusheen saanado melleteri.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Dabadhilifka Maali ayaa isna xaqiijiyay in 14 askari looga dilay weerar aad u xooggan oo xoogag islaami ah ka fuliyeen gobolka Tombuktu.



Waqooyiga wadanka Maali waxaa sanadadii dambe kusii xoogeysanayay Jamaacada Jihaadiga ee lagu magacaabo ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta oo hoos tagta Ururka Al Qaacidda ee Maqribul islaam.

Kumanaan katirsan ciidamada waxa loogu yeero Q.Midoobe oo Faransiisku hoggaaminayo ayaa dagaal uga jira wadanka waxayna ku guuleysan la’yihiin baajinta weerarada uga imaanaya jamaacaadka islaamiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed