AMISOM Oo Ka Deyrisay Suurta galnimada in Ciidamada DF-ka ay Kala Wareegaan Ammaanka Soomaaliya Sanadda 2020.

Sunday January 28, 2018 - 10:57:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Ka Deyrisay Suurta galnimada in Ciidamada DF-ka ay Kala Wareegaan Ammaanka Soomaaliya Sanadda 2020.

    Ururka Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay shaqeyso dowladda Federaalka iyo taak darrida maleeshiyaadka dowladda loo tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay shaqeyso dowladda Federaalka iyo taak darrida maleeshiyaadka dowladda loo tababaray.

Francisco Madeira oo ah wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Maretkanka AP wuxuu ku dhaliilay hanaanka ay wax uwadaan Hoggaanka DF-ka oo uu sheegay in musuq maasuq iyo waxqabad la’aan uu hareeyay.

Midowga Afrika ayaa reja xumo ka muujiyay suurta galnimada in ciidamada DF-ka ay la wareegaan ammaanka Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2020-ka.

"aad bay u adagtahay in ciidamada Soomaaliya ay ammaanka kala wareegaan AMISOM” ayuu yiri Francisco Madeira oo walaac ka muujinayay qaabka ay socdaan tababaridda ciidamada DF-ka.


Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayuu ugu baaqay in ay bixiso qarashaad dheeri ah oo Soomaaliya lagu nabadeynayo islamarkaana ciidamada AMISOM u suurtagalin kara guul ka gaaridda dagaalka lagula jiro Alshabaab.

"Bixitaanka Ciidamada AMISOM ee gaaraya 21-ku oo Askari  ma suurtageli doono haddii beesha caalamka aysan bixin kaalmo degdeg ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wakiilka Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka aysan ubabac dhigi karin dagaalyahannada Al Shabaab islamarkaana aysan ka go'neyn in ay noqdaan ciidamo isku filan.

Ururka Midowga Afrika wuxuu bogaadiyay xasuuqa daran ee diyaaradaha Mareykanka ay ugeysanayaan dadka shacabka ah arrintaas oo muujinaysa in Fashilka AMISOM ka gaaray dagaalka Soomaaliya uu Mareykanku ku duug duugayo weerarada xagga cirka ah.

Weerarada xoog kugal ah iyo kuwa jidgalka ah ee dagaalyahannada Al Shabaab ka wadaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa wax badan ka bedelay xisaabaadka dagaalka AMISOM.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in 10 sanadood oo uu qaatay howlgalka AMISOM aan wax guul ah lagasoo hoyn islamarkaana Al Shabaab ay taageero kasii helayaan shacabka Soomaalida oo dhibsaday joogitaanka ciidanka shisheeye ee dalkooda gumeysiga ku heysta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items