Sedax Askari Kenyaan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Gaarisa.

Sunday January 28, 2018 - 16:41:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari Kenyaan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Gaarisa.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagula beegsaday ciidamo katirsan Melleteriga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagula beegsaday ciidamo katirsan Melleteriga Kenya.


Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah oo dagaalyahannada Al Shabaab ay u dhigeen ciidamo Kenyaan ah lagu dilay ugu yaraan sedax askari oo katirsan ciidamada Melleteriga ee KDF-ta loo yaqaan, weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo Ijaara oo kawada tirsan gobolka Gaarisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay ' in Ciidamada Mujaahidiinta ay weerar jidgal ah u dhigeen kolonyo katirsan melleteriga Kenya oo ka yimid dhanka Jubbada Hoose kunasii jeeday gudaha Kenya, Mujaahidiintu waxay arkeen Meydadka sedax askari oo wadada yaal".


Wararka ayaa intaas ku daraya in sedax baabuur oo nuuca ciidanka xambaara ah ay goobta si diqri ah uga baxsadeen, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay dul istaageen Meydadka sedax askari oo ka dhacay gaadiidka weerarka lagu qaaday.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli mas'uuliyiin katirsan dowladda Kenya ay socdaal ku joogaan dhulka Soomaalida Waqooyi Bari loo yaqaan halkaas oo ay ku qabanayaan kulamo amniga looga hadlayo balse Xarakada Al Shabaab ayaa si dardar leh kusii wadda howlgalladeeda melleteri ee ka dhanka ah dowladda Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items