Magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii 30-aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika.
Shirkan oo waqtigii loo asteeyay in uu furmo dib uga dhacay wax ka badan laba
saacadood sababa la xiriira khilaafaadyo ragaadiyay ajandayaasha looga doodayay
ayaa ugu dambeyn furmay waxaana jiray khudbado iskasoo horjeeda oo ay jeediyeen
hoggaamiyaasha qaaradda.
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa loo doortay in wareeggan uu
hoggaamiyo Ururka Midowga Afrika halka madaxweynaha dalka Gini uu noqday
madaxweynaha Ururka ee sanadkan.
Markii ugu horraysay waxaa shirka Ururka AU ee ka furmay Addis Ababa kasoo qeyb galay wasiirka
arrimaha dibadda dowladda Eereteri oo khilaaf soo jireen ah kala dhaxeeyo
Itoobiya.
Sanaddii 2000 dagaal xooggan oo ka dhax qarxay Itoobiya iyo Ereteria ayaa
sababay in Asmara ay qaadacdo dhammaan shirarka Midowga Afrika ee Addis Ababa ay marti gelinayso.
Hoggaamiyaasha qaaradda Afrika ayaa labada maalin ee uu shirku socdo waxay ka
doodi doonaan qodobo ay kamid yihiin xallinta khilaafaadka qaaradda kajira iyo
la dagaallanka Musuq Maasuqa "ka guuleysashada Musuqa” ayaa ciwaan looga dhigay
shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa ka furmay.
Sidoo kale ajandayaasha Hoggaamiyaashan ay kulanka uga doodayaan waxaa kamid ah
arrimaha ammaanka gaar ahaan ladagaallanka waxa ay ugu yeereen Argagaxisada oo
loola jeedo dagaalka lagula jiro jamaacaadka Jihaadiga ah.
Muusa Fiki oo ka ah madaxa Golaha Ururka ayaa madaxa ka sheegay in dagaallada
ka socda qaaradda gaar ahaan Maali,Liibiya, Naigeria iyo Soomaaliya ay kamid
yihiin waxyaabaha ay ka doodi doonaan hoggaamiyaasha.

Arrinta Musuq Maasuqa ee madaxweynayaasha qaaradda Afrika sida adag uga
hadlayaan ayay wariyaashu ku sheegayaan mowduuc dhalanteed ah sababtoo ah
hoggaamiyaasha madasha ku sugan ayaaba dhax muquuranaya musuq maasuq iyo wax
isdabamarin sida Paul Kagame madaxweynaha Rwadanda oo dalkiisu sanadkaan kaalinta afaraad ka galay wadamada
ugu musuq maasuqa badan caalamka.
Maxamuud Cabaas Abuu Maazin Hoggaamiyaha maamulka Filasdiin oo ah madaxweynaha
kaliya ee aan xubinta ka aheyn Ururka ee madasha ku sugan ayaa fursad loosiiyay in uu khudbad ka
jeediyo kulanka.
Sidoo kale Erygayga Q.Midoobe iyo xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta
iyo inkabadan 3000 oo Ergo kor joogta ah ayaa ku sugan kulanka ka socda Addis
Ababa.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Hoggaamiyaasha Qaaradda Afrika Oo Magaalada Addis Ababa Uga Doodaya Ka Guuleysashada Musuq Maasuqa.
Magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii 30-aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika.