Taliyihii Ciidamada Degmada Buurhakaba iyo Sedax Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Daynuunaay.

Monday January 29, 2018 - 21:05:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidamada Degmada Buurhakaba iyo Sedax Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Daynuunaay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar jidgal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay taliye sare oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ah oo ah maamul wada shaqeyn dhow laleh xabashida Itoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar jidgal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay taliye sare oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ah oo ah maamul wada shaqeyn dhow laleh xabashida Itoobiya.


Taliyihii Ciidanka degmada Buurhakaba Col.Cabdi Raxmaan Cismaan Abroone iyo sedax askari oo ilaala u ahaa l ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay weerar dhabbagal ah oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo kasoo amba baxay Buurhakaba kunasii Jeeday magaalada Baydhabo, wararka ayaa intaas ku daraya in Meydadka Taliye Abroone iyo sedax askari looga tagay wadada laamiga ah halka gaadiid Tikniko ah ay si dirqi ah kula baxsadeen ciidamo katirsan Koonfur Galbeed.


Taliyaha degmada Buurhakaba ayaa caan ku ahaa faafinta guulo been ah oo aan kajirin dhulka isagoo isbuuc walba warbaahinta u sheegi jiray in dagaalyahanno Al Shabaab ay iskusoo dhiibeen dhankooda islamarkaana ay qaadeen howlgallo deeganno looga qabsaday wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool.

Xoogagga Al Shabaab ayaa horay uqabsaday deegaanka Leego ee isku xira Gobollada Bay, Shabeelaha Hoose iyo Muqdisho waxaana wadadaas isticmaalkeeda ka caaggan saraakiisha Maamulka Shariif Sakiin halka gaadiidka dadweynaha ay si nabad gelya ah ku isticmaalaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed