Weeraro Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobolka Hiiraan.

Tuesday January 30, 2018 - 08:20:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobolka Hiiraan.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weeraro hor leh oo ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka dowladda Federaalka lagula beegsaday bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weeraro hor leh oo ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka dowladda Federaalka lagula beegsaday bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino ciidamada Jabuuti lagula eegtay gudaha magaalada Beled Weyne, qaraxa oo dhacay shalay gelinkii hore ayaa waxyeello gaarsiiyay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dhinaca kale iska hor'imaad khasaara dhaliyay ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Af-Cadde oo hoos yimaad degmada Buula Burde.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 5 katirsan Maleeshiyaadka DF-ka ay ku dhaawacmeen weerar ay ciidamada Xarakada Al Shabaab ku qaadeen maleeshiyaadka xilli ay boob ugeysanayeen goobo ganacsi, maleeshiyaadka tuulada Afcadde weeraray ayaa ka amba baxay degmada Jalalaqsi waxayna wararku intaas ku darayaan in ay dib ugu laabteen saldhigga ciidanka AMISOM galbeedka Jalalaqsi halkaas oo markii hore ay ka duullaan tageen.

Ciidamada Al Shabaab ayaa ku sugan Afcadde kadib markii ay ka cirdeeyeen maleeshiyaadkii doonayay in ay dhacaan hantida dadka shacabka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed