Al Qaacidda Oo Soo Bandhigtay Sawirrada Weerarkii Askarta looga laayay Dowladda Maali Ee Ka Dhacay Tombuktu.

Tuesday January 30, 2018 - 10:59:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda Oo Soo Bandhigtay Sawirrada Weerarkii Askarta looga laayay Dowladda Maali Ee Ka Dhacay Tombuktu.

    Jamaaco Jihaadi ah oo dagaal adag kula jirta Ciidamada 'Q.Midoobe' iyo kuwa maxalliga ah ayaa war kasoo saartay weerar ay cagta ku marisay saldhig melleteri gudaha wadanka Maali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaaco Jihaadi ah oo dagaal adag kula jirta Ciidamada 'Q.Midoobe' iyo kuwa maxalliga ah ayaa war kasoo saartay weerar ay cagta ku marisay saldhig melleteri gudaha wadanka Maali.



Xoogaga Islaamiga ah ee ka dagaallama wadanka Maali ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar aad u xooganaa oo maalo ka hor ka dhacay saldhig melleteri oo kuyaal waqooyiga wadankaasi.

Mu’asasada Az-zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee  Jamaacada U Hiilinta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa baahisay bayaan sawirro lagu laray oo lagusoo bandhigay khasaarihii lixaadka lahaa ee melleteriga Maali kasoo gaaray weerarkii deegaanka Sumby ee gobalka Tombuktu.



Qoraalka ayaa lagu xusay in weerarka ay fuliyeen Sariyo ka tirsan Ciidanka  Jamaacada U Gargaaridda Islaamka Iyo Muslimiinta islamarkaana weerarkaasi lagu dilay Tobaneeyo katirsan Maali ugu dambeyntiina ciidamada 'Mujaahidiinta' ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigaasi.

Xoogagan Jihaadiga ah waxay soo bandhigeen khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray waxayna ku sheegeen in dagaalkii Sumby looga dilay illaa afar dagaalyahan.

Weerarkii ka dhacay gobolka Tombuktu  ee askarta badan lagu laayay  ayaa ku qasbay Madaxweynaha wadanka Maali in uu baajiyo socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Addis Ababa halkaas oo uu ka dhacayay shirka 30-aad ee madaxda Qaaradda Afrika ay yeesheen.




Related Items

https://twitter.com/africa_waleed