Video: Dowladaha Masar,Suudaan iyo Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay in Ay Qaboojiyeen Xiisadihii udhaxeeyay.

Wednesday January 31, 2018 - 06:50:35 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Dowladaha Masar,Suudaan iyo Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay in Ay Qaboojiyeen Xiisadihii udhaxeeyay.

    Cabdi Fataax alsiisi oo ah madaxweynaha inqilaabka melleteri talada wadanka Masar ku qabsaday ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Addis in xal laga gaaray biya xireenka Murunka badan dhaliyay ee Itoobiya ay ka dhisayso halka uu kasoo askumo wabiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Fataax alsiisi oo ah madaxweynaha inqilaabka melleteri talada wadanka Masar ku qabsaday ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Addis in xal laga gaaray biya xireenka Murunka badan dhaliyay ee Itoobiya ay ka dhisayso halka uu kasoo askumo wabiga Niil.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa isna xaqiijiyay in dhowaan ay kulmi doonaan madaxweynayaasha Alqaahira iyo Khurduum islamarkaana ay adkeyn doonaan wanaajinta xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Bishii lasoo dhaafay dagaal maslaxad ku dhisan ayaa laga cabsi qabay in uu ka qarxo Bariga qaaradda Afrika kadib markii Masar ay ciidamo kumanaan ah u dirtay xuduudda ay wadaagaan Ereteria iyo Suudaan halka Itoobiya iyana ay ciidamo farabadan diyaarisay.

Dowladda Itoobiya ayaa lafilayaa in bilaha soo socda ay xarigga ka jarto Biya xireenka Al-Nahda oo noqon doona biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika waxayna Addis Ababa Korontadeeda u iibgeyn doontaa Galbeedka Afrika iyo Koonfurta qaaradda Yurub


Halkan ka degso Alsiisi oo ka hadlaya Heshiiska ama Hoos Ka Daawo


Related Items