Xoogagga Al Shabaab Oo Weerar Ku Hubeysan Ka Fuliyay Mid Kamida Xaafadaha Magaalada Beled Weyne.

Wednesday January 31, 2018 - 08:05:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogagga Al Shabaab Oo Weerar Ku Hubeysan Ka Fuliyay Mid Kamida Xaafadaha Magaalada Beled Weyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar hubeysan markale lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka lagu magacaabo HirShabelle ee kajira Sh/dhexe iyo Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar hubeysan markale lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka lagu magacaabo HirShabelle ee kajira Sh/dhexe iyo Hiiraan.


iska hor'imaad xooggan ayaa xalay saqdii dhexe galbeedka magaalada Beled Weyne ku dhaxmaray ciidamo katirsan Al Shabaab iyo maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka oo saldhig melleteri ka sameystay xaafadda Doon Subagle.

Wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in iska hor'imaad xooggan uu labada dhinac ku dhax maray galbeedlka Beled Weyne balse lama oga khasaaraha ka dhashay sababa la xiriira dagaalka oo xilli habeen ah dhacay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ee ku sugan degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items