Afar Xisbi Oo Codsaday in Lasoo Xiro Saraakiishii Ku lug lahaatay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur [Warsaxaafadeed].

Wednesday January 31, 2018 - 16:01:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Xisbi Oo Codsaday in Lasoo Xiro Saraakiishii Ku lug lahaatay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur [Warsaxaafadeed].

    Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo tiro Xildhibaanno ah ayaa dib usoo cusboonaysiiyay kiiskii ku saabsanaa weerarkii dadka badan lagu dilay ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur iyo tiro Xildhibaanno ah ayaa dib usoo cusboonaysiiyay kiiskii ku saabsanaa weerarkii dadka badan lagu dilay ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee magaalada Muqdisho.


Tani ayaa ah mid aan u wanaagsaneyn madaxada Dowladda Federaalka Farmaajo iyo Kheyre oo culeys siyaasadeed kala kulmaya qaar kamid ah qabaa'illada Muqdisho kadib markii ay weerareen xarumo ay siyaasiyiin ka deganaayeen caasimadda.

War qoraal ah oo ay si wadjir ah u soo saareen Afar Xisbi Siyaasadeed ee kala ah Daljir, Kulan, Wadajir iyo Madasha Horusocod kulan ay yeesheen waxay kaga hadleen lixdii Askari ee lagu dilay weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasi C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame 17-dii Bishii December 2017.


War-Saxaafadeedka 4,ta Xisbi Siyaasadeed oo ay ku midoobeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF-ka waxa ay ayay ku sheegeen in ay codsanayaan in lasoo xiro 5 sarkaal oo katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka islamarkaana xasaanadda laga qaado xeer ilaaliyaha guud kuwaas oo dhammaantood ku lug lahaaday weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur.

Hoos Ka Akhri warsaxaafadeedka ay xisbiyadu soo saareen

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed