Video: Jeneraal Subagle Oo War Yaab leh Ka Sheegay Al Shabaab Ka Hor intii uusan Xilka ku Wareejin Taliyaha Cusub Ee AMISOM.

Thursday February 01, 2018 - 11:09:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Jeneraal Subagle Oo War Yaab leh Ka Sheegay Al Shabaab Ka Hor intii uusan Xilka ku Wareejin Taliyaha Cusub Ee AMISOM.

    Jeneraal Cismaan Subaglle oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada AMISOM shalayna xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee soo duulayaasha Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay in dagaalka Soomaaliya ka socda looga adkaado xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Cismaan Subaglle oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada AMISOM shalayna xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee soo duulayaasha Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay in dagaalka Soomaaliya ka socda looga adkaado xarakada Al Shabaab.

Subagle oo wareysi siinayay qaar kamid ah warbaahinta Afsoomaaliga ku hadasha ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan awoodin in ay ka adkaadaan Xarakada Al Shabaab isagoo arrinkaas sabab uga dhigay shacabka iyo Al Shabaab oo isku dhax Milan taas oo macnaheedu tahay in ay isla duubanyihiin oo ay isku cadaw yihiin.

"waan ka xumahay in aan xilka wareejinayo anigoo aan gaarin in alshabaab laga adkaado” ayuu yiri Subagle.

Taliyihii hore ee ciidamada AMISOM oo kasoo jeedo dalka Jabuuti ayaa shalay xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM kaas oo kasoo jeeda dalka Uganda.


Munaasabad ka dhacday Xerada Xalane ee duleedka Muqdisho ayuu xilka kula wareegay Jen.Jim Beesigye Owoyesigire oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka cirka Uganda.

Soo duulayaasha AMISOM ayaa muddo 10 sanadood ah waxay ka dagaallamayaan dalka Soomaaliya iyagoo ku fashilmay howshii ay dowladaha reergalbeedka u igmadeen oo aheyd in ay ka adkaadaan Al Shabaab ayna baabi’iyaan maamullada islaamiga ah ee dalka kajira.

Halkan ka degso Jeneraal Subagle oo walaacsan ama hoos ka Daawo


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed