Wasiiru Dowlle Katirsan Maamulka 'Puntland' Oo Boosaso Lagu Dhaawacay.

Thursday February 01, 2018 - 10:09:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dowlle Katirsan Maamulka 'Puntland' Oo Boosaso Lagu Dhaawacay.

    Rag hubeysan ayaa xalay maqribkii magaalada Boosaaso ku weeraray xubin kamid ah golaha wasiirrada maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa xalay maqribkii magaalada Boosaaso ku weeraray xubin kamid ah golaha wasiirrada maamulka isku magacaabay Puntland.


Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekaddaha, Gadiidka Badda maamulka Puntland Axmed Saciid Cabdiraxmaan ayaa ku dhaawacmay tacshiirad ay ku fureen kooxo hubeysan oo aan wali heybtooda lagaran sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Axmed Saciid Cabdi Raxmaan ayaa Ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaarigiisa xilli uu maraya Waddo mashquul badan oo Ku taal Bartamaha Magaaladda Boosaaso xarunta gobolka Bari.


Saraakiil katirsan maamulka Puntland oo warbaahintu wax ka weydiisay arrintan ayaa diiday in ay ka hadlaan, wararka qaar ayaa sheegaya in xoogagii weerarka geystay ay goobta isaga baxsadeen halka warar kale ay sheegayaan in ciidamo ilaala u ah guddoomiyaha gobolka Bari ay rasaasta fureen balse illaa iyo hadda si cad looma oga cidda dhaawacday wasiirkan katirsan maamulka Cabdi Wali Gaas.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn waxaana magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eeganayay askarta iyo saraakiisha maamulka Puntland.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
http://somalimemo24.com/sawirro/taliban.jpg

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed