Mareykanka Oo Liiska 'Argagaxisada' Ku Daray Ismaaciil Haniya Hoggaamiyaha Xamaas.

Thursday February 01, 2018 - 13:12:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Liiska 'Argagaxisada' Ku Daray Ismaaciil Haniya Hoggaamiyaha Xamaas.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayay ku sheegtay in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dartay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee ka dagaallamaya magaalada Ghaza ee dhulka Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayay ku sheegtay in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dartay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee ka dagaallamaya magaalada Ghaza ee dhulka Filasdiin.


Bayaan kasoo baxay wasaaradda Keydka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ismaaciil Haniya Hoggaamiyaha Hammaas lagu sumadeeyay liiska 'Argagaxisada' islamarkaana laxayiray dhammaan wixii hanti ah ee uu ku lahaa gudaha Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa isna sheegay in xayiraaddu ay beegsan doonto dhammaan dadka ku lugta leh falalka ka dhanka ah nabad gelyada Bariga dhexe sida uu hadalka u dhigay,sidoo kale xayiraadaha ayaa saameynaya Kooxo ka jira dhulalka Filasdiin iyo Masar waxaana kamid ah kooxda Xasam,Liwaa'u thowrah iyo xarakada Alsaabiriin.


Bayaanka kasoo baxay dowladad Mareykanka ayaa lagu sababeeyay in liiska Argagaxisa lagu daro Hoggaanka Xamaas waxaana lagu sheegay in ismaaciil Haniya uu xiriir laleeyahay Cizudiin Alqasaam oo ah garabka melleteri ee Xamaas.

Jawaab celin katimid Kooxda Xamaas ayay ku sheegtay in tallaabadan tahay mid si dhameystiran Mareykanku ugu garab istaagay Yahuudda, Khalil Alxayyah oo u hadlay Xamaas ayaa sheegay in go'aanka kasoo baxay wasaaradda Keydka Mareykanka uu si toos ah ubeegsanayo hoggaanka kooxaha muqaawamada Filasdiin islamarkaana uu Yahuudda siinayo taageero toos ah.

Ururka Xamaas ayaa ku dhaqma waxa loogu yeero Dimuquraadiyadda Mareykanku ay sheegtaan sidoo kale Ururkaas ayaa ka tanaasulay dhammaan ahdaaftii Jihaadka wuxuuna qaban qaabiyay doorashooyin baarlamaani illaa markii ugu dambeysay uu ogolaaday in heshiis uu lagalo Kooxda Calmaaniga Fatax ee Maxamud Cabbaas Abuu Maazin uu madaxda ka yahay balse Ururku kama tanaasulin dagaalka hubeysan ee lagula jiro Yahuudda arrinkaas oo ah waxa kaliya ee Mareykanku ku colaadinayo.

Falanqeeyayaaha ayaa sheegaya in kudarista Liiska aragaxisada ee Ismaaciil Haniya uu yahay mid lagu beegsanayo dhammaan dadka diidan heshiiskii Qarniga loogu magac daray ee Trump uu magaalada Qudus uga dhigay caasimadda Yahuudda, Xamaas ayaa kamid ah dhinacyadii ugu horreeyay ee diiday qaraarka Trump

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed