Diyaarad Duuliye La'aan ah Oo Mareykanka Ugasoo Dhacday Duleedka Degmada Awdheegle Ee Sh/Hoose.

Friday February 02, 2018 - 20:45:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Duuliye La'aan ah Oo Mareykanka Ugasoo Dhacday Duleedka Degmada Awdheegle Ee Sh/Hoose.

    Diyaarad dowladda Mareykanku leeyahay oo ah nuuca wax basaasta ayaa la sheegay in ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab oo dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad dowladda Mareykanku leeyahay oo ah nuuca wax basaasta ayaa la sheegay in ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab oo dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in diyaarad Mareykanku leeyahay oo aan duuliye laheyn ay kusoo dhacday duleedka magaalada Awdheegle.

Wariye ku sugan Sh/hoose ayaa sheegay in deegaanka Aybuuteey ee dhaca duleedka Awdheegle ay kusoo dhacday diyaarad Drone ah xilli ay basaasaysay dadka muslimiinta ku dhaqan deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in diyaaradda oo waxyeello wayn aysan gaarin ay gacanta ku dhigeen ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya deegaanka ay drone-ka kusoo dhacday.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in qalab casri ah oo diyaaradda ku xiran sida Kaamirooyinka wax duuba ay lawareegeen ciidamada Al Shabaab, ma ahan markii ugu horraysay oo Sh/hoose ay diyaarad Basaas kusoo dhacdo horay ayay diyaarad aan duuliye laheyn ugusoo dhacday deegaanka Mubaarak sanaddii 2017.

Maalmo ka hor ayay deegaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo kusoo dhaceen laba diyaaradood oo ah nuuca wax basaasa waxaana muuqata in diyaaradaha Mareykanka ee aan faarujin hawada Soomaaliya si aan horay loo arag dhulka ugusoo daadanayaan, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska AFRICOM oo ku saabsan diyaaradaha ugasoo dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items