Waa maxay qorshaha Mukhtaar Roobow "Abu Mansuur" ? [Warbixin].

Saturday February 03, 2018 - 20:34:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay qorshaha Mukhtaar Roobow "Abu Mansuur" ? [Warbixin].

    Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo hore isugu dhiibay maamulka DF-ka uu guda-galay abaabulka Maleeshiyaad hubeysan oo guluf colaadeed ku qaadaya deegaanada Xarakada Al-Shabaab ay ka maamusho gobollada Bay iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo hore isugu dhiibay maamulka DF-ka uu guda-galay abaabulka Maleeshiyaad hubeysan oo guluf colaadeed ku qaadaya deegaanada Xarakada Al-Shabaab ay ka maamusho gobollada Bay iyo Bakool.


Maleeshiyaadkaan oo xero Milatari laga siiyay magaalada Baydhabo ayaa ujeedkoodu yahay in shaar cusub oo ka madax banaan DF-ka iyo Shisheeyaha ay kula dagaallamaan Mujaahidiinta, sida lagu wada gaaray heshiis dhexmaray maamulka Farmaajo iyo Abu Mansuur oo gar-wadeen ay ka ahaayeen saraakiil Ameerikaan ah.

Wararku waxey intaas ku darayaan in Abu Mansuur loo fasaxay abaabulka, diyaarinta iyo dagaal gelinta ilaa 3 kun oo Maleeshiyaad ah kuwaas oo sameysanaya calan u gooni ah islamarkaana "xoreynaya” dhulalka ay xoreyn waayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kuufur Galbeed.


Ilo wareed mas'uul ah ayaa u sheegay SomaliMeMo in Saraakiil Mareykan ah oo dhowr mar la shiray Abu Mansuur ay u sheegeen in ay ka doonayaan kaalinta Axmed Madoobe oo kale, islamarkaana looga fadhiyo qabiilkiisa inuu kiciyo oo uu dagaal geliyo.

Abu Mansuur oo qaatay qorshahaan ayaa dalbaday in xoriyad loosiiyo dhaq-dhaqaaq iyo inuu Meesha uu doono wax isugusoo xirxirto, waxaana markii fasaxaasi la siiyay uu ka dalbaday warbaahinnada in aysan ugu yeerin qof isku dhiibay DF-ka ee warka loo dhigo qof heshiis ku jooga dhulalka DF-ka.

Saraakiisha Mareykanka oo hammi weyn u qaba in ay mar uun helaan maleeshiyaad maxalli ah oo la dagaallama Xarakada Al-Shabaab ayaa dabada ka riixaya qorshahan, maamulka Farmaajo oo diiddanaa in urur cusub loo sameeyo Roobow ayaa lagu qanciyay qorshaha laga leeyahay mashruucaas.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo dalbaday in iyagu ay soo xulaan saraakiisha dagaalka hoggaaminaya ayaa laga dalbaday in ay kaalintooda ku koobaan taageerada xagga gurmadka kaliya oo aysan faraha lasoo gelin qorshaha Maleeshiyada ee Abu Mansuur.

Abu Mansuur oo si toos ah qorshihiisa u bilaabay ayaa guda-galay safarro meelo kala duwan ah, isagoo xittaa aragti ka soo qaatay Axmed Madoobe oo uu Kismaayo ugu tagay, waxaa kale oo uu bilaabay in dhalinyarada juffadiisa ah ee ku jira Xarakada Al-Shabaab in uu ku dhiirageliyo ka goosashada Al-Shabaab.

Mashruuca Abu Mansuur oo kale waxey Mareykanku ka sameeyeen dalka Ciraaq oo markii Ciidamadoodu ay awoodi waayeen soo afjaridda Jihaadiyyiinta ay adeegsadeen Maleeshiyaad Maxalli ah oo qaab urur ah u sameysan, laakin dad badan ayaa rumeysan in xaaladda Soomaaliya ay aad uga duwanaan doonto Ciraaq.

Xarakada Al-Shabaab ayaa marar badan ka hor tagtay mashaariic nuucaan oo kale ah, waxaana muuqanaya in arrinta Abu Mansuur qudheeda si miizaaman ay u caddeeyeen kadib markii isagu uu banaanka is keenay, waxaana la is weydiin karaa sida Maleeshiyada Abu Mansuur ay si sahal ah ugu soo hoyn karaan guul ay sanado xaqiijin waayeen xulifada Afrikaanka oo taageero xagga Cirka ah ka helaya Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items