5 Sarkaal Faransiis Ah Oo Dhintay Kadin Shil Dayaareed oo ka dhacay Gudaha Wadankaas.

Saturday February 03, 2018 - 19:59:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Sarkaal Faransiis Ah Oo Dhintay Kadin Shil Dayaareed oo ka dhacay Gudaha Wadankaas.

    Wasaaradda G/dhigga dowlada Faransiiska ayaa xaqiijisay in khasaara lixaad leh uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda G/dhigga dowlada Faransiiska ayaa xaqiijisay in khasaara lixaad leh uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha wadankaasi.


Ugu yaraan 5 sarkaal oo katirsanaa ciidanka Cirka Faransiiska ayaa dhintay kadib markii 2 diyaaradood oo helicopters ah isku dhaceen xilli ay dul heehaabayeen magaalo dhacda Koonfur Bari wadanka Faransiiska.

Saraakiisha dhimatay 3 kamid ah waxay la socdeen hal diyaarad halka labada kale ay diyaarad kale la socdeen dhammaantoodna ay dhinteen waxaana burburay diyaaradihii isku dhacay.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay wuxuuna saraakiisha ciidanka cirka ku amray in ay baaritaan ku sameeyaan sababta shilka keentay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items