Video: Madaxweyne Alsiisi Oo Hanjabaad Ujeediyay Shacabka iyo Askarta Masar.

Saturday February 03, 2018 - 20:21:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Madaxweyne Alsiisi Oo Hanjabaad Ujeediyay Shacabka iyo Askarta Masar.

    Hoggaamiyaha inqilaabka melleteri talada wadanka Masar ku qabsaday ayaa hanjabaad kulul ujeediyay dhammaan dadka mucaaradsan siyaasadiisa xilli ay jireen dareen ah in doorasho sax ah aysan wadankaasi ka dhici doonin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha inqilaabka melleteri talada wadanka Masar ku qabsaday ayaa hanjabaad kulul ujeediyay dhammaan dadka mucaaradsan siyaasadiisa xilli ay jireen dareen ah in doorasho sax ah aysan wadankaasi ka dhici doonin.


Jeneraal Cabdi Fataax Alsiisi ayaa khudbaddii ugu kululeed ee uu jeediyo wuxuu uga hadlay arrimaha siyaasadda iyo ammaanka, Alsiisi ayaa si aan horay loo arag u sheegay in uu tallaab adag ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay abaabusho kacdoon shacbi oo xukuummaddiisa ka dhan ah.

Madaxweynaha Masar ayaa isagoo lahadlayay saraakiisha ciidanka melleteriga si aan gambasha laheyn u sheegay in uu cunaha ka jari doono cid walba oo isku dayda in ay damacdo xilkiisa.


Wuxuu sheegay in mar dambe aysan wadanka ka dhici doonin kacdoonno shacbi oo lamid ah kuwii dhacay sanaddii 2011 ee lagu riday Maxamed Xusni Mubaarak.

Related Items