Cabadi Qeybdiid Oo Sheegay in Weerarkii lagu Qaaday Gurigiisa Ujeedka laga lahaa uu ahaa in lagu Khaarijiyo.

Saturday February 03, 2018 - 20:33:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabadi Qeybdiid Oo Sheegay in Weerarkii lagu Qaaday Gurigiisa Ujeedka laga lahaa uu ahaa in lagu Khaarijiyo.

    Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horay uga mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladdiisa ammaan kadib markii laba bil ka hor weerar lagu qaaday gurigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horay uga mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladdiisa ammaan kadib markii laba bil ka hor weerar lagu qaaday gurigiisa.


Qeybdiid oo shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan laheyn ciddii soo weerartay gurigiisa isagoona shaaciyay in ujeedka laga lahaa weerarkaas oo ahaa sidii isaga loo khaarijin lahaa islamarkaana ehelkiisa loo dhibaateyn lahaa.

"kuwii weeraray gurigeyga waxay doonayeen in ay idilaan oo ay dhibaateeyaan ehelkiisa" ayuu yiri Cabdi Qeybdiid wuxuuna soo hadal qaaday dayacaad heysata isaga iyo mas'uuliyiin kale.


"Weli waxaan dareensanahay iney jiri karto qatar igu wajahan iyo qoyskeygaba, qof kasta oo madaxda qarankana ay ku imaan karto, dowladda Federaalkana xil ka saaran yahay dhowrista amniga iyo xasiloonida dhammaan shacbka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaan ka codsanayaa xubnaha baarlamaanka federaalka oo ka kooban Labada aqal iyo guddoonkooda iney guddi u saaraan goleyaasha si ay usoo hordhigaan arrintaan horseedi karta qatar ku wajahan jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed, maadaama ay caddahay iney jirto farogelin shisheeye ee keeni karta burbur iyo xasilooni darroā€¯ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu soo hadal qaaday faragelinta dowladaha shisheeye ay ku hayaan dalka Soomaaliya balse ma carrab dhabin dowladaha sida tooska ah ugu lugta leh weerarada ka dhanka ah siyaasiyiinta oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed