Koox Jihaadi Ah Oo Sheegatay Diyaarad Dagaal Oo Ruushka loogasoo Riday Wadanka Suuriya.

Sunday February 04, 2018 - 07:41:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Jihaadi Ah Oo Sheegatay Diyaarad Dagaal Oo Ruushka loogasoo Riday Wadanka Suuriya.

    Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in mid kamida diyaaradaheeda dagaalka casriga ah lagusoo riday hardanka ka socda wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in mid kamida diyaaradaheeda dagaalka casriga ah lagusoo riday hardanka ka socda wadanka Suuriya.

Diyaarad nuuceedu yahay Sukhoi 25 ayaa lagusoo riday gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya dhaca duuliyihii diyaaradana waa ladilay sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Ruushka.

Diyaaradda waxaa lagusoo riday deegaanka Macsaraan ee gobolka Idlib halkaas oo ay ka geysanaysay duqeymo bahalnimo oo dad shacab ah ku hoobteen, war kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Hay’adda Xureynta Shaam Ex.Jabhadda Alnusrah ayaa lagu sheegay in katiibada difaaca ee Hay’adda ay gantaal laheshay diyaaradda oo xilligaas shacab Rayid ah sawaariikh ku garaaceysay.


Dowladda Ruushka waxay sheegtay in duuliyaha diyaaradda lasoo riday uu baaraashuud ku booday balse si khalad ah uu ugu degay deegaan ay maamulaan xoogaga sunniga ah kadibna halkaas lagu toogtay.

روسيا
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka diyaaradda oo ku gubanaya gobolka Idlib balse xoogaga islaamiga ah sooma bandhigin Meydka duuliyaha Ruushiyaanka ah.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in Ruushka ay ka gacansiin doonto sidii Meydka duuliyaha Russian-ka ah loogasoo qaadi lahaa gobolka Idlib.

Soo rididda diyaaradda Sukhoi 25 ayaa imaanayasa xilli dowladda Ruushka ay sare uqaadday ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah muslimiinta ee Suuriya ka socda, maalmihii jimcaha iyo khamiista ayay dhinacyada cadawga ah guluf dagaaleed hor leh ka billaabeen gobolka Idlib oo kooxaha mucaaradka ah maamulaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items