Al Shabaab Oo Weerarkii Ugu Horreeyay Ku Qaadday Saldhigyada Ciidanka Ugand Tan iyo Markii la magacaabay Taliyaha Cusub ee AMISOM.

Sunday February 04, 2018 - 08:14:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerarkii Ugu Horreeyay Ku Qaadday Saldhigyada Ciidanka Ugand Tan iyo Markii la magacaabay Taliyaha Cusub ee AMISOM.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa weeraro hor leh ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaab ayaa weeraro hor leh ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanno hoos yimaad magaalada Marka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Al Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Lambar60.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays weydaarsanayay.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar xooggan kula jarmaadday saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Danoow.


Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in weerarka oo loo adeegsaday madaafiic lala helay isku imaatinno ciidamada shisheeye ku lahaayeen gudaha saldhigga.

Weeraradan waxay imaanayaan xilli Ururka Midowga Afrika uu dhawaan taliye cusub usoo magacaabay howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya waxaana xilka wareejiyay Jeneraal Subagle oo kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items