Video: Faarax Macallin Oo Jawaasiis Dabadhilifyo Ah Ku Tilmaamay Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada in ladilana Ku Baaqay.

Sunday February 04, 2018 - 11:12:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video: Faarax Macallin Oo Jawaasiis Dabadhilifyo Ah Ku Tilmaamay Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada in ladilana Ku Baaqay.

    Siyaasiga Faarax Macallin Dawaara oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya ee kajira dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Faarax Macallin Dawaara oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya ee kajira dalka Soomaaliya.


Faarax Macallin oo muddo 5 sanadood ah hayay xilka guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya ayaa markii ugu horraysay xaqiijiyay in maamul goboleedyada kajira dalka Soomaaliya ay dabadhilifyo u yihiin Itoobiya iyo Kenya.

isagoo kumanaan Soomaali ah kula hadlayay barta Facebook-ga ayuu ka shanqariyay dadnimada xumada madaxda maamul goboleedyada oo ah buu yiri Jawaasiis u shaqeeya dowlado shisheeye wuxuuna soo hadal qaaday qaabka ay lacagaha uga qaataan Itoobiya,Kenya iyo Imaaraatka Carabta.


"Madaxda Maamul goboleedyadu waa Jawaasiis Cadaw ushaqeeya kuwaas waa in ladilayaa oo tiirka lageeyaa" ayuu yiri Faarax Macallin.

Wuxuu soo hadal qaaday in qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ay jilbaha qabsadaan madaxda Xabashida Itoobiya oo xataa qaar badan ay iska daayeen in ay Addis Ababa tagaan balse ay sii marayaan Maamulka Cabdi Ileey ee kajira magaalada Jigjiga kadibna loosii gudbiyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

faarax Macallin ayaa si gaar ah u sheegay in qaar kamid ah Hoggaamiyaasha maamullada ay dhaqaale siiyaan dowladaha Soomaaliya kusoo duulay wuxuuna tusaale usoo qaatay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland balse magaciisa toos uma sheegin ee qaab duurxul ah ayuu u yiri "Midbaa Kenya imaanaya akoonno ayuu lacag uu soo dhacay dhiganayaan markaas ayuu akoonka ku qoranayaa magaca wiilkiisa dadkii uu ka yimidna baahi iyo cudurro ayay u dhimanayaan" Faarax Macallim.

isagoo ku dheeraaday ka hadalka siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ayuu ka shanqariyay qisada wasiir katirsan dowladda Federaalka oo isagoo Jaasuus u ah Itoobiya xogtii shirka golaha wasiirrada Taleefan ugu gudbinayay Addis Ababa.

Halkan ka degso Hadalka Faarax Macallin ama Hoos Ka Daawo


Related Items