Ciidamada Mareykanka Oo Bilaabay in Ay isaga Baxaan Waddanka Ciraaq

Monday February 05, 2018 - 16:31:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mareykanka Oo Bilaabay in Ay isaga Baxaan Waddanka Ciraaq

    Kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Mareykanka ayaa bilaabay in ay isaga baxaan wadanka Ciraaq kadib sedax sanadood oo ay dagaal uga jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Mareykanka ayaa bilaabay in ay isaga baxaan wadanka Ciraaq kadib sedax sanadood oo ay dagaal uga jireen.



Wakaaladda Wararka AP oo soo xiganaysa Jeneraallo howlgab ah ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ee ciraaq ku duulay ladhimayo kadib markii xukuumadda shiicada ay dib uqabsatay dhammaan magaalooyinka wadanka.

Mas'uul u hadlay isbaheysiga Mareykanku hoggaaminayo ee Ciraaq iyo Suuriya ku duulay sanaddii 2015 ayaa warbaahinta u sheegay in isbaheysigu isku raacay dhismista ciidanka Mareykanka.

Goob Joogayaal ku sugan gobolka Al-anbaar ayaa sheegay in ay dareemeen dhaq dhaqaaq bixitaan ah oo ka socda saldhigga Melleteri ee Al-asad halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada ugu badan Mareykanka ee Ciraaq.




Wasiirka arrimaha dibadda ee Washington ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in aan loo baahneyn khaladaadkii dhacay sanaddii 2011 xilligaas oo ciidamada Mareykanka Ciraaq ka baxeen hadalkaas oo loo fasirtay in mareykanku dhimayo awooddiisa Ciraaq.

Wakaaladda AP waxay sheegaysaa in isbuucii lasoo dhaafay ay Tobanaan askari iyo saanado hub ah diyaarado looga daabulay Ciraaq waxaana loo badinayaa in ciidamadan loo wareejinayo dhanka Afghanistan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada American-ka ee isaga baxaya Ciraaq ay ujiheysan doonaan dhanka Afghanistan halkaas oo ay ka socdaan dagaallo culus kadib markii Taliban ay wiiqday kumanaan askar NATO ah iyo ciidanka xukuumadda.

Xeydar Alcabaadi oo ah R/wasaaraha xukuumadda dabadhilifka Ciraaq ayaa usheegay warbaahinta in ciidamadiisu isku filanyihiin kadib markii xoogagii Islaamiga ahaa ay wiiqeen ayna dib uqabsadeen dhammaan dhulkii ka maqnaa maamulkiisa.

Donald Trump Hoggaamiyaha cunsuriga Mareykanka ayaa khudbaddii sanadlaha aheyd ee uu jeediyay ku sheegay in ciidamo dheeri ah uu udirayo Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items