Video: Qoys Kenyaan Ah Oo Sheegay in Lacag Madax Furasho Ah Siinayaan Al Shabaab Si loosi Daayo Wiilkooda oo Maxbuus Ah.

Monday February 05, 2018 - 17:26:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video: Qoys Kenyaan Ah Oo Sheegay in Lacag Madax Furasho Ah Siinayaan Al Shabaab Si loosi Daayo Wiilkooda oo Maxbuus Ah.

    Qoys Kenyaati ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay siiyaan madaxfurasho iyo wax waliba oo ay doonayaan si ay u helaan xuriyadda wiilkooda oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu qabtay dagaalkii Ceel-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoys Kenyaati ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay siiyaan madaxfurasho iyo wax waliba oo ay doonayaan si ay u helaan xuriyadda wiilkooda oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu qabtay dagaalkii Ceel-cadde ee dhacay 15-kii January ee 2016-ka.


Qoyskan ayaa sheegay in wiilkooda uu noolyahay oo aanan weli la dilin, uuna ku jiro gacanta Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna codkiisa maqleen maalin ka dib markii uu weerarku dhacay xilligaas oo laga sii daayey Idaacadaha. Waxay dowladda Kenya ugu baaqeen in ay keento xogta wiilkooda, kana shaqeeyaan sidii uu xuriyadiisa ku heli lahaa, iyaga dhankooda waxay sheegeen in ay bixin doonaan wax waliba si ay u helaan xuriyadda wiilkooda.

Xarakada Al-Shabab ayaa bishii August ee sanadkii la soo dhaafay toogatay mid ka mid ah maxaabiistii dagaal ee lagu soo qabtay Ceel-Cadde taas waxay aad kaga argigixisay ehelada ay ka dhaseen maxaabiista kale ee weli ku jira jeelka Mujaahidiinta, waxayna qoysasku dharaar iyo habeen dadaal ku bixinayaan sidii ay ku heli lahaayeen wiilashooda balse wuxuu waqtiga kaga lumay isaga daba noqoshada xafiisyada dowladda. 


Halkan ka degso warbixin Maqal ah ama hoos ka Daawo


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed