Nin Khabiir American Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Nairobi.

Monday February 05, 2018 - 21:00:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Khabiir American Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Nairobi.

    Booliska Kenya ayaa sheegaya in kooxo aan heybtooda lagaran ay dileen Nin khabiir Mareykan ah oo caan ka ahaa gudaha wadanka Kenya iyo wadamada geeska qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa sheegaya in kooxo aan heybtooda lagaran ay dileen Nin khabiir Mareykan ah oo caan ka ahaa gudaha wadanka Kenya iyo wadamada geeska qaaradda Afrika.

MeydkaEsmond Bradley Martinoo American ah ayaa laga helay gurigiisa oo kuyaal dacalka magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya inEsmond Bradley Martinuu u dhintay dhaawac kasoo gaaray qoorta kadib markii kooxo hubeysan ay weerareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ninkaan Americanka ah uu caan ku ahaa u olololeynta xaywaanka duur joogta ee ugaarsiga kala kulmaya kooxaha qowlaysatada ah.


Esmond Bradley Martinayaa madax ka ahaa mashruuc lagu joojinayo ka ganacsiga Faanta Maroodiga iyo xayawaanka Wiyisha loo yaqaan kaas oo kasii dabar go'aya wadamada qaaradda Afrika.

Wariyaal ayaa soo sheegay in falkan lagu eedeynayo kooxaha qaabka suuq madoowga ah uga ganacsada Foolka Maroodiga iyo Faanta Wiyisha sababtoo ah Ninkan ladilay ayaa dagaal dadban kula jiray ugaarsatada xayawaanaadka mamnuuca ka ah geeska qaaradda Afrika.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Mareykanka oo ku aaddan dilkaEsmond Bradley Martinoo warbaahinta reergalbeedku ay ku tilmaamtay Khabiir dhanka xayawaanaadka ah.

Sidoo kale lama oga in dilka Ninkan oo ku lug leeyahay arrima siyaasadeed, maalmihii lasoo dhaafay Kenya waxaa ka dhacayay fatqaladooyin dhanka siyaasadda ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items

https://twitter.com/africa_waleed