Mid Kamida Wadaadada Jamaacada Tabliiqa Oo Lagu Dilay Magaalada Beled Weyne.

Tuesday February 06, 2018 - 06:52:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Wadaadada Jamaacada Tabliiqa Oo Lagu Dilay Magaalada Beled Weyne.

    Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay gudaha magaalad Beled Weyne ku dishay mid kamida culimaa'udiinka caanka ka ah gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay gudaha magaalad Beled Weyne ku dishay mid kamida culimaa'udiinka caanka ka ah gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen Cabdi Iidoow Sabriye xilli uu kasoo baxayay Masjid kuyaal Beled Weyne.

Ninka ladilay ayaa kamid ahaa Jamaacada Tabliiqa wuxuuna caan ka ahaa magaalada Beled weyne iyo hareeraheeda, goob joogayaal ayaa sheegay in falkan dilka ah ay geysteen kooxo katirsan kuwa loo yaqaan Mushrikiinta oo xiriir dhow laleh Xabashida Itoobiya.

Cabdi Iidoow Sabriye ayaa sanaddii 2007 noqday guddoomiyaha degmada Buula Burde xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf balse falkaas waa ka towbad keenay sida ay ehelkiisu sheegeen wuxuuna kamid noqday Culimada Tabliiqa.


Ma ahan markii ugu horraysay oo culimaa'udiin lagu dilo magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items