Dowladda Holland Oo Xiriirka Ujartay Dowladda Turkiga.

Tuesday February 06, 2018 - 07:19:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Holland Oo Xiriirka Ujartay Dowladda Turkiga.

    Waxaa si rasmi ah ugo'ay cilaaqaadki u dhaxeeyay dowladaha Holland iyo Turkiga kadib markii ay guul darreysteen dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu wanaajiyo xiriirka labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si rasmi ah ugo'ay cilaaqaadki u dhaxeeyay dowladaha Holland iyo Turkiga kadib markii ay guul darreysteen dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu wanaajiyo xiriirka labada dal.

Dowladda Holland waxay xaqiijiyay in ay soo qaadatay safiirkeedi wadanka Turkiga ayna diiday in Turkigu safiir usoo magacaabaan wadankiisa.

Halby Zeelstra oo wasiirka arrimaha dibadda Holland ayaa xaqiijiyay in wadankiisu uu go'aansaday in uu jaro xiriirka kala dhaxeeya Turkiga oo uu ku tilmaamay dowlad jabisay dhammaan xeerarka diblumaasiyadda caalamka.

Bishii Maarso ee sanaddii 2017 ayuu xumaaday xiriirka labada dal kadib markii dowladda Holland ay diiday in taageerayaasha Rajeb Dayib Erdogaan ay dibad baxyo ku qabsadaan magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.


Dowladda Turkiga ayaa iyana Holland ku tilmaamtay mid cadaw ku ah shacabka Turkish-ka ah, labadan dowladood ayaa ku wada jira isbaheysiga NATO khilaafka soo kala dhaxgalay ayaa saameyn kuyeelan kara rejadii xukuumadda Ankara ay ka qabtay kamid noqoshada Ururka Midowga Yurub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items