Sanbaloolshe "Suurtagal Ma Ahan in Dadka Itoobiya Cadowga Ku Ah Ay Soomaaliya Boqorro Ku Ahaadaan" VIDEO

Tuesday February 06, 2018 - 16:35:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe "Suurtagal Ma Ahan in Dadka Itoobiya Cadowga Ku Ah Ay Soomaaliya Boqorro Ku Ahaadaan" VIDEO

    Markii Horraysay Madaxii Hore ee Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax lagasoo qabtay magaalada Gaalkacyo wuxuuna ku tilmaamay Nin cadow ku ah dowladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii Horraysay Madaxii Hore ee Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax lagasoo qabtay magaalada Gaalkacyo wuxuuna ku tilmaamay Nin cadow ku ah dowladda Itoobiya.


Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ah Taliyihii hore ee Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa  sheegay in cid walba oo Cadaw ku ah dowladda Itoobiya aysan ku nabad geli doonin gudaha Soomaaliya isagoo muujiyay sida dowladda Federaalka ay xiriir adag oo wadashaqeneed ula leedahay dowladda Itoobiya.

Sanbaloolshe oo wareysiyo isdaba joog ah siiyay qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa muujiyay in Qalbi dhagax lagu dhiibay heshiis dhanka amniga ah oo u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Villa Somalia wuxuuna u muuqday dabadhilif qabatimay Xabashi Jaceyl.


"ONLF dowlad miyay noo dhistaa mise Amni ayay nagala shaqeysaa waa in aan iska daaynaa siyaasadda Nifaaqa, xiriirka nagala dhaxeeya dowladda Itoobiya ma ahan mid qodba sira ah" ayuu yiri Sanbaloolshe.

isagoo aad udhibsanayay su'aalo laweydiiyay oo ku saabsanaa kiiska halgamaa Qalbi dhagax ee Itoobiya loo dhiibay ayuu si dadban uqiray in isagu uu arrintaas ka dambeeyay laakin wuxuu afka ka dhowranayay in uu faah faahiyo qaabkii loo dhiibay  "Suurtagal Ma Ahan in Dadka Itoobiya Cadowga Ku Ah Ay Soomaaliya Boqorro Ku Ahaadaan"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sanbaloolshe.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya aysan laheyn han ay ku dhaxgalaan maamullada Xarakada Al Shabaab isagoo ka deyriyay wadashaqeynta kala dhaxaysa dowladaha reergalbeedka oo uu ku tilmaamay mid gaabis ah.

Halkan ka dhageyso Warbixin Alfurqaan ay ka diyaarisay Sanbaloolshe MP3

Halkan Ka Daawo isagoo qiraya in Qalbi dhagax uu cadaw ku ahaa Itoobiya

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed