Ciidamada Dowladda Oo Lagala Wareegay Deegaanka Qalimoow Ee Duleedka Degmada Balcad.

Tuesday February 06, 2018 - 19:08:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Lagala Wareegay Deegaanka Qalimoow Ee Duleedka Degmada Balcad.

    Kadib dagaal waqti kooban socday ayay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu suurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaal waqti kooban socday ayay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ugu suurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen deegaanka Qalimoow.

Muddo 30 daqiiqo ah oo iska hor'imaadyo xooggan socdeen kadib ayay xoogaga Al Shabaab usuurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan deegaanka Qalimoow oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Balcad.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen Meydadka 2 askari, saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa goob fagaare ah kala hadlay shacabka.

Deegaanka Qalimoow waxaa dhax marta wadada laamiga ah ee Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar wuxuuna magaalada caasimadda ah u jiraan 60KM halka magaalada Jowhar uu ujiro 30KM.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bilihii lasoo dhaafay howlgallo lagu naafeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ka fulinayay wadada laamiga ah ee xiriirisa Balcad iyo xarunta Sh/dhexe.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed