Maxkamad Melleteri Oo Xukun Ku Ridday Dad Ku Eedeysnaa Qaraxii isgoyska Zoobe.

Tuesday February 06, 2018 - 08:28:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Melleteri Oo Xukun Ku Ridday Dad Ku Eedeysnaa Qaraxii isgoyska Zoobe.

    Maxkamad Melleteri oo ay leedahay dowaladda Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday dad loo heystay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee sanaddii 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DF-ka ayaa soo bandhigtay dad ku eedeysan qaraxii Zoobe
Maxkamad Melleteri oo ay leedahay dowaladda Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday dad loo heystay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee sanaddii 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.



Guddoomiyaha maxkamadda xukunka ridday ayaa sheegay in inta badan eedeysanayaasha dambiyadii lagusoo eedeeyay lagu helay marka laga reebo hal qof oo lagu xukumay dil.

Xasan Aadan Isaaq Cali ayay Maxkamadu wax ay ku xukuntay dil toogasho ah halka C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

Nin lagu magacaabo Cabdullaahi Ibraahin Xasan Absuge oo ka maqanaa goobta maxkamadeyntu ka dhacaysay waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa'in


Sidoo kale Maxkamadda melleteriga dowladad Federaalka ayaa sii daysay laba Nin oo la sheegay in wax dambi ah lagu waayay kuwaas oo kala ah Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali.

Waxaa adag sida loogu kalsoonaado Maxkamadaha Dowladda Federaalka oo badana rida xukunno lasiyaasadeeyay, Maxamuud Nuur Tarsan oo ah lataliyaha Farmaajo ayaa bil ka hor sheegay in DF-ka aysan laheyn Maxkamado cadaaladda ka shaqeeya oo lagu kalsoonaan karo.

Qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay bishii Agoosto sanaddii 2017 waxaa ku dhintay 350 qof, illaa iyo haddana majirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi oo noqday qaraxii ugu dhimashada banaa ee ka dhaca abid qaaradda Afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed