Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Boosaaso

Tuesday February 06, 2018 - 20:45:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Boosaaso

    Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa Fiidkii weerar aad u xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa Fiidkii weerar aad u xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan laga maqlay saldhigga Bartamaha oo ku dhow Marsada Caalamiga Boosaaso.

Ciidamada Al Shabaab ayaa dagaal fool ka fool ah la galay ciidamada Booliska maamulka 'Puntland', warar hordhac ah ayaa sheegaya in taliye ku xigeenkii Booliska saldhigga uu kamid yahay askarta ku dhaawacantay weerarka.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda weerarka caawa ka dhacay Boosaaso sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka aadka u xooggan ee  ciidamada Al Shabaab ay caawa ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed