Sarkaal Katirsanaa Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Wednesday February 07, 2018 - 11:41:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali si xowlli ah uga socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya xilli howlgallo raaf ah ay ka dhaceen degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa wali si xowlli ah uga socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya xilli howlgallo raaf ah ay ka dhaceen degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ayaa sheegaya in maanta barqadii xoogag hubeysan ay ku dileen degmadaasi Hal xidigle katirsanaa ciidamada Melleteriga sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sarkaalka ladilay waxaa lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseen Barqadlle oo caan ka dhax ahaa taliska ciidanka DF-ka ee xaruntiisu tahay Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Gaheyr waxaana mas'uuliyadda weerarkan sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed