Sawirro: Hormuud Foundation Oo Matoor Weyn ugu Deeqday Isbitaalka Deegaanka Xaawo Cabdi

Wednesday February 07, 2018 - 10:05:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Hormuud Foundation Oo Matoor Weyn ugu Deeqday Isbitaalka Deegaanka Xaawo Cabdi

    Hormuud Foundation ayaa matoor weyn oo dabka dhaliya ugu deeqday Isbitaalka iyo tuulada Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii hore uu duugoobay matoorkii hore cillad ka gashay xili ay tuulada dagan yihiin 450 qoys oo ay iskugu dara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hormuud Foundation ayaa matoor weyn oo dabka dhaliya ugu deeqday Isbitaalka iyo tuulada Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii hore uu duugoobay matoorkii hore cillad ka gashay xili ay tuulada dagan yihiin 450 qoys oo ay iskugu darantay biyo la'aan iyo koronto la'aan.


Maamulaha Hormuud foundation Cabdullaahi Nuur Cusman ayaa matoorkan shirkadu ku deeqday ku wareejiyey Maamulka Isbitaalka Xaawo Cabdi.

Dadka Deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen matoor sidaan oo kale ah balse ay awoodi waayeen iney soo iibsadaan, iyagoo umahad celiyey Shirkadda Hormuud oo matoorkan ugu deeqday.

Mas’uuuliyiinta Hormuud Shirkadda oo ka jawaabeysay dalabka codsiga ah ee uga yimid ayey u suurta gashay inay ku tabarucaan matoorkan si uu ugu shaqeeyo bulshada ku dhaqan deegaankaas.



Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa la sheegay inuu bulshada lacag la’aan ku daaweeyo isla markaana ay ka helaan biyo la cabo oo nadiif ah waxaana intaba ka saacidi doona wixii hadda ka dambeeya matoorkaan.



Related Items