Sawirro: Mid Kamida Gacan Yaraasha Farmaajo Oo Howlgal Raaf iyo Argagax Gelin Ah Xalay Ku Miray Shacabka Degmada Hodon.

Wednesday February 07, 2018 - 12:32:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mid Kamida Gacan Yaraasha Farmaajo Oo Howlgal Raaf iyo Argagax Gelin Ah Xalay Ku Miray Shacabka Degmada Hodon.

    Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa xalay howlgallo raaf ah ka fuliyay xaafado katirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa xalay howlgallo raaf ah ka fuliyay xaafado katirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.


Howlgalkan oo ahaa mid lagu dhibaateeyay shacabka rayidka ah ayaa saameeyay kumanaan qoys oo iyagoo hurdaya ay maleeshiyaadka DF-ka ay ugu dhaceen guryahooda, dummar iyo carruur ayaa argagax lagu riday halka dad waayeella ah banaanka lasoo tubay.

Gacanyaraha Farmaajo oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Banaadir ayaa hoggaaminayay howlgalka raafka ah Ninka lagu magacaabo Maxamed Tuulax, isagoo dhalinyaro banaanka guryahooda loogasoo saaray kula hadlayay barxad kutaal xaafadda Taleex ayuu ka codsaday in ay Jawaasiis u noqdaan dowladda.


Dad ka badan 500 oo qof ayaa guryahooda qasab loogasoo saaray xilli saqdhexe waxaana jiray dhac loo geystay hanti ay leeyihiin dadka guryahooda xoogga lagu galay sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii guryahooda lajabsaday.

"Shacabka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood in ay nagu caawiyaan soo qabashada iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayoā€¯ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga.

Maleeshiyaadka DF-ka oo sheegta in ay ladagaallamayaan wax ay ugu yeereen 'Argagaxiso' ayaa Argagax ku ridaya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan waxaana muuqata in howlgalladan raafka ah aysan baajin weerarada AlShabaab ay ka waddo magaalada Muqdisho.






Related Items