Dab Ka Kacay Saldhigga AMISOM Ee Deegaanka Cali Fooldheere Kadib Weerar Uga Yimid Al Shabaab.

Wednesday February 07, 2018 - 12:45:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Ka Kacay Saldhigga AMISOM Ee Deegaanka Cali Fooldheere Kadib Weerar Uga Yimid Al Shabaab.

    Ciidamo aad u hubeysan oo Katirsan Al Shabaab ayaa Markale weerar xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ay uga suganyihiin duleedka degmada Mahadaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo Katirsan Al Shabaab ayaa Markale weerar xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ay uga suganyihiin duleedka degmada Mahadaay.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada Xarakada SHM iyo kuwa soo duulayaasha Burundi ee ku sugan deegaanka Cali Fooldheere.

Xalay fiidkii ayay ciidamada Al Shabaab weeraro xooggan ku qaadeen saldhigyo melleteri oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin Cali Fooldheere, daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay deegaanka lagu dagaallamay iyo tuulooyinka hoos yimaad.



Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Al Shabaab ay gudaha ugaleen Cali Fooldheere halkaas oo ay kula dagaallameen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamada shisheeye uu kasoo gaaray dagaalkii xalay, maanta barqadii ayay deegaanka soo caga dhigatay diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah iyadoona Meydad iyo dhaawacyo ka daad gureysay deegaanka.

Weerarka Xalay lagu qaaday saldhigga AMISOM ee Cali Fooldheere ayaa sababay in saldhigga uu dab ka kaco, dad goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkacayeen holac ka baxaya saldhigga waxaana loo malaynayaa in Teendhooyinka ciidamada udhisan lala helay madaafiic lagu weeraray AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items