Qarax Askari Lagu Dilay Oo Boosaaso Ka Dhacay iyo Taliye Ku Xigeen Katirsan Maamulka Puntland Oo Weerar lagu Dhaawacay.

Wednesday February 07, 2018 - 13:02:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askari Lagu Dilay Oo Boosaaso Ka Dhacay iyo Taliye Ku Xigeen Katirsan Maamulka Puntland Oo Weerar lagu Dhaawacay.

    Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' isku magacaabay.


Qarax xooggan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa lala helay ciidamo katirsan Booliska xili ay gudaha magaalada ku lugeynayeen, goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan Hal askari uu ku dhintay qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar aad u xooggan oo Al Shabaab xalay ay ka fulisay saldhig kuyaal magaalada Boosaaso, sedax askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarka.


Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Taliye ku xigeenkii Booliska saldhigga Bartamaha Boosaaso, ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliyaha dhaawacmay uu ka go'ay labada lugood oo isagoo cuuryaan ah lagu dabiibayo isbitaal gaar loo leeyahay oo kuyaal gobolka Bari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items