Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Gobolka Sh/Hoose.

Thursday February 08, 2018 - 10:06:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Gobolka Sh/Hoose.

    Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa lagasoo sheegayaa degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa lagasoo sheegayaa degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Sh/Hoose.


Xalay Fiidkii ayaa jugta qaraxyo iyo rasaas xooggan laga maqlay saldhig melleteri oo kuyaal xaafadda Altadaamun ee bartamaha Afgooye, weerarka waxaa lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan DF-ka.

Ugu yaraan 5 askari ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen halka 4 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha.


Afgooye waxay kamid tahay degmooyinka ugu badan oo ay ka dhacaan qaraxyada iyo dilalka waxayna hadda xarun KMG ah u tahay maamulka gobolka Sh/Hoose uqaabilsan Dowladda Federaalka kadib markii lagasoo qabsaday magaalada Marka oo ah xarunta gobolka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed