Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Thursday February 08, 2018 - 21:17:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur Galbeed lagula beegsaday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur Galbeed lagula beegsaday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.


Wararka ka imaanaya Bay ayaa sheegaya in qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay goob isbaaro utiillay maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin uu sababay dhimashada sedax askari iyo dhaawaca Afar kale sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha Baydhabo oo saldhig melleteri ay ku leeyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa sida ay baahisay Idaacadda Andalus.


Maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa dabadhilifyo u ah ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga gobollada Bay iyo Bakool balse maleeshiyaadkaas ayaa cadaadis kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items