Daawo Video: Gabar Sacuudiyaan Ah Oo Kalimad Xaq ah Usheegtay Dhaxal Sugaha Sacuudiga.

Thursday February 08, 2018 - 21:21:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Gabar Sacuudiyaan Ah Oo Kalimad Xaq ah Usheegtay Dhaxal Sugaha Sacuudiga.

    Maamulka Aala Sacuud ee kajira dhulka Xarameynka ayaa dadaal ugu jira sidii uu wax uga bedeli lahaa hab dhaqanka siyaasaddiisa ta iyo markii la aas aasay Nidaamkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Aala Sacuud ee kajira dhulka Xarameynka ayaa dadaal ugu jira sidii uu wax uga bedeli lahaa hab dhaqanka siyaasaddiisa ta iyo markii la aas aasay Nidaamkaasi.


Dowladda Sacuudiga oo hadda uu Majaraha uhaayo siyaasiga da'da yar ee Max'med Bin Salmaan waxay cagta saartay dhabbaha calmaaniyaynta mandiqadda Bariga dhexe kadib markii uu soo saaray go'aammo dhowr ah oo lagasoo minguuriyay reergalbeedka.

Gabar lagu magacaabo Nahaa Al-Balawi oo kunool magaalada Riyadh ayaa kalimad xaq ah la hor istaagtay Bin Salmaan.

Gabadhan ayaa Video ku faafisay baraha bulshada waxayna sheegtay in wax xiriir ah uusan kala dhaxeyn Yahuudda, waxay sheegaysaa in wax walba oo kasoo gaaraya Kalimaddan ay u yeeshay si ay runta u sheegto waxayna si cad u sheegtay dhibaatada ka dhalan karta in caadi laga dhigo xiriirka ka dhaxeeya dowladaha carabta iyo Yahuudda.


Nahaa Al Balawi ayaa taageero dubnaan saa'id ah ka heshay malaayiin qof oo ku kulmay baraha Bulshada, saraakiisha sirdoonka Sacuudiga ayaa Gabadha Nahaa xiray oo waxay ku jirtaa xabsi amnigiisa si aad ah loo adkeeyo balse illaa iyo hadda wax xukun ah kuma dhicin.

Halkan ka degso Kalimadda Nahaa oo Afsoomaali lagu Tarjumay halkan hoos ka Daawo


Aala Sacuud waxay bilaawday dhaqan gelinta isbedelka cusub iyadoo dhistay hay'ad loogu magac daray Tamashleynta waxaana wadanka loo fasaxay in ay soo galaan fanaaniin caalamka isaga kala timid waxaana la sharciyeeyay in ay isdhax boodi karaan Ragga iyo Dumarka taas oo sababtay fasaad aan horay loo arag.

Dhanka siyaasadda dowladda Sacuudigu waxay qorshayneysaa in ay caadi ka dhigto xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda ee Israa'iil loo yaqaan, siyaasiyiin iyo saxafiyiin Yahuud ah ayaa booqday magaalada Riyadh waxayna kulamo laqaateen mas'uuliyiin katirsan Boqortooyada.

Warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa faafinaysa Olole lagu dalbanayo in lacaadiyeeyo xiriirka Yahuudda balse waxaa tallaabooyinkaas kasoo horjeestay shucuubta Muslimiinta ah

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items