Dad Shacab Ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Deegaan Katirsan Sh.dhexe.

Saturday February 10, 2018 - 07:55:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab Ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Deegaan Katirsan Sh.dhexe.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad socota ah gudaha gobolka shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad socota ah gudaha gobolka shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Sh.dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo gacan saar laleh ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalaqsi ay weerar ku qaadeen gaadiid dad shacab ah la socdeen oo kusii jeeday dhanka degmada Guriceel.

Weerarka oo dhacay shalay gelinkii dambe waxaa ku dhintay hal qof laba kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray, maleeshiyaadka ayaa rasaas ku furay gaari ka yimid dhanka Muqdisho kuna wajahnaa degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.


Dad ka Badbaaday weerarka ayaa sheegay in qof dumar ah oo kamid aheyd dadkii safarka ahaa ay dhimatay laba qof oo kalana ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen rasaasta.

Weerarka ayaa ka dhacay wadada jidcaddaha ah ee xiriirisa deegaanka Ceelbaraf iyo Ceeldheere oo sanadadii dambe ay uwareegeen gaadiidka isaga kala goosha gobollada dhexe iyo Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka oo tobanaan gaaraya ay isbaarooyin dhigteen wadada waxaana hakad kujira gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho illaa iyo Aadan Yabaal.

Maleeshiyaadkan oo ah kuwa loo yaqaan Macaawisleyda waxaa hubeeyay ciidamada Jabuuti ee saldhigga ku leh degamada Jalalaqsi waxayna caan ku yihiin geysashada falal dambiyeedyada ka dhanka ah dadka ku safra waddooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed