Diyaarad Dagaal Oo Yahuudda loogasoo Riday Gudaha Wadanka Suuriya.

Saturday February 10, 2018 - 08:53:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Dagaal Oo Yahuudda loogasoo Riday Gudaha Wadanka Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda iiraan ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leedahay Yahuudda saacado kadib markii 'israa'iil' ay ku dhawaaqday in ay soo ridday diyaarad Drone ah oo i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda iiraan ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leedahay Yahuudda saacado kadib markii 'israa'iil' ay ku dhawaaqday in ay soo ridday diyaarad Drone ah oo iiraan leedahay.


Afhayeenka u hadlay Melleteriga waxa loogu yeero dowladda Israa'iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madaafiic kasoo dhacday gudaha wadanka Suuriya ay sababtay soo dhicidda diyaarad F16 ah oo iyagu ay leeyihiin wuxuuna weerarkaas ku eedeeyay in dowladda Iiraan ay Mas'uul ka tahay.

Goob joogayaal ku sugan gobolka Alquneydarah ee Koonfurta Suuriya ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay duqeymo diyaaradaha Yahuudda ay ugeysteen saldhigyo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka dowladda Iiraan daqiiqado kadibna waxaa lasoo riday Diyaaraddii duqeynta geysatay oo nuuceedu ahaa F16.


Afhayeenka u hadlay Maamulka Yahuudda ayaa dowladda iiraan ku eedeeyay in dagaal ay ka abuurayso mandiqadda Bariga dhexe wuxuuna sheegay in Jawaab kulul ay ka bixi doonaan weerar daan daansi ah oo uu sheegay in dhanka iiraan uu uga yimid.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items