Taliye Katirsan Sirdoonka DF-ka Oo isku Day Dil Ka Badbaaday Kadib Weerar lagu Qaaday Gurigiisa.

Saturday February 10, 2018 - 10:19:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsan Sirdoonka DF-ka Oo isku Day Dil Ka Badbaaday Kadib Weerar lagu Qaaday Gurigiisa.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo xalay lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka deganaa mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Sirdoonka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo xalay lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka deganaa mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Sirdoonka DF-ka.

Xalay fiidkii ayay xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ku qaadeen guri uu degmada Holwadaag ka deganaa nin lagu magacaabo Maxamed Cali Jacfar oo kamid ah saraakiisha Sirdoonka islamarkaana madax ka ah Maleeshiyaadka loo yaqaan 'Xasilinta Caasimadda'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen weerarka waxaana dadka dhintay kamid ah  qaar kamid ah ciidamadii ilaalada ka hayay guriga la weeraray.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo xooggan waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, Afhayeen u hadlay wasarrada amniga gudaha dowladda Federaalka ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in weerarka uu ka badbaaday Max'med Cali Jacfar.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho sida ay faafisay idaacadda islaamiga Andalus, sarkaalka la weeraray ayay si aad ah isugu dhowyihiin Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka wuxuuna horay usoo noqday guddoomiyaha degmada Howlwadaag.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items