Jawaab Celinno Laga Bixiyay Diyaarad Yahuudda loogasoo Riday Wadanka Suuriya.

Saturday February 10, 2018 - 16:06:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Celinno Laga Bixiyay Diyaarad Yahuudda loogasoo Riday Wadanka Suuriya.

    Maamulka 'israa'iil' ayaa ku dhawaaqay in Jawaab adag uu ka bixiyay diyaarad dagaal oo loogasoo riday xuduud beenaadka ay wadaagaan dhulalka Filasdiin iyo Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka 'israa'iil' ayaa ku dhawaaqay in Jawaab adag uu ka bixiyay diyaarad dagaal oo loogasoo riday xuduud beenaadka ay wadaagaan dhulalka Filasdiin iyo Suuriya.

Afhayeen u hadlay melleteriga Yahuudda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaarad nuuceedu yahay F16 lagusoo riday mandiqadda Jowlaan kadib markii lagasoo toogtay dhanka Suuriya.

Yahuudda ayaa dowladda Iiraan iyo maamulka Bishaar Al-asad ku eedeysay in ay dhulka soo dhigeen diyaaradda, Avijaa Adraei oo ah Afhayeenka Melleteriga Yahuudda ayaa sheegay in labadii duuliye ee diyaaradda ay baarashuud ku boodeen balse mid kamida uu qabo dhaawac halis ah.

Duqeymo Ba'an oo ay geysanayaan diyaaradaha 'Israa'iil' ayaa lagasoo calaamadeeyay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, illaa iyo 12 saldhig oo maleeshiyaadka Iiraan iyo ciidamada Nidaamka Al-asad ay ku lahaayeen dimishiq iyo hareeraheeda ayaa la duqeeyay.



Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen qiic iyo uura Madoow oo cirka iskus shareeray, guutada koowaad ee ciidamada ilaalada Xarasul Jamhuuriga Bishaar al-asad ayaa la xaqiijiyay in duqeymo ba'an lala eegtay.

Garoonka Melleteri ee T4 oo kuyaal gobolka Homs bartamaha dalka Suuriya ayaa shaqada gabay kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay burburiyeen qeybaha aas-aasiga ah ee garoonka.

Dhinaca kale dowladda Shiicada Iiraan oo Jawaab kasoo saartay xiisadda Suuriya ayaa sheegtay in 'Muqaawamadu' aysan ogolaan doonin duullaanka cadawtooyo ee 'Israa'iil'.

Madaxa amniga qaranka Iiraan ayaa uga digay Yahuudda in aan loogu dulqaadan doonin daan daansiga Suuriya islamarkaana Jawaab kulul ay ka bixin doonaan marwalba oo ay duqeyn ka geysato gudaha wadankaasi

Related Items