Sawirro: Odayaasha Dhaqanka Gobollada Jubbooyinka Oo Hoggaan Cusub Doortay.

Sunday February 11, 2018 - 09:55:54 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Odayaasha Dhaqanka Gobollada Jubbooyinka Oo Hoggaan Cusub Doortay.

    Xaflad lagu soo gaba gabaynayay kulan iyo dowro muddo sideed maalin ah uga socotay degmada Jilib salaadiinta wilaayada Jubbooyinka ayaa lagu qaybtay qaybo ka mid ah degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad lagu soo gaba gabaynayay kulan iyo dowro muddo sideed maalin ah uga socotay degmada Jilib salaadiinta wilaayada Jubbooyinka ayaa lagu qaybtay qaybo ka mid ah degmadaasi.

kulankan  waxay  odayaashu ku doorteen guddoomiye cusub oo hoggaamin doona dhammaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobollada Jubbooyinka oo ka kooban Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose.

Sidoo kale xafladda waxaa odayaasha abaalmarin gudoonsiisay wilaayada islaamiga Jubbooyinka oo kasoo qayb gashay xafladda, waxana halkaasi odayaashu ay ka akhriyeen bayaan ku wajahan ummadda Soomaaliyeed kaasi oo meelo badan taabanayay, sida cadowga soo duulay,xaalufinta dhirta lagu hayo , dalaga beeraha, caafimaadka xoolaha, nabadaynta iyo arrimo kale.



Sheekh Max'med Abuu Cabdalla oo ah waaliga Jubbooyinka ayaa isna kalimad uu ka jeediyay munaasabadda wuxuu ku bogaadiyay kaalinta ay odayaasha dhaqanka ka qaadanayaan halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.











Related Items