Diyaarad Russia laga leeyahay Oo Ku Burburtay Magaalada Moscow.

Sunday February 11, 2018 - 16:38:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Russia laga leeyahay Oo Ku Burburtay Magaalada Moscow.

    Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dhinteen dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaarad ku burburtay magaalada caasimadda ah ee Moscow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Tusaale ah
Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dhinteen dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaarad ku burburtay magaalada caasimadda ah ee Moscow


Wararka ka imaanaya wadanka Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah ay burburtay daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Moscow

Dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda la socday  oo gaarayay 71 qof ayaa dhammaantood dhintay sida ay faafisay wakaaladda wararka Interfax ee afka xukuumadda ku hadasha waxayna sheegtay  in diyaaraddu ay hawada ku gubatay kadibna dhulka kusoo dhacday.


Afhayeen u hadlay dowladda Ruushka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay in diyaaraddu soo dhacdo, dalka Ruushka wuxuu kamid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan shilalka diyaaradaha waxaana sanad walba ku dhinta boqolaal qof oo rakaab ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items