Idaacadda VOA Oo War been Abuur ah ka sheegtay Wilaayada Galguguud "Wax Dagaal Ah Kama Dhicin Warmooleey".

Sunday February 11, 2018 - 16:46:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Idaacadda VOA Oo War been Abuur ah ka sheegtay Wilaayada Galguguud "Wax Dagaal Ah Kama Dhicin Warmooleey".

    Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada codka Maraykanka ( VOA ) ayaa war been abuur ah ka sheegtay Wilaayada Galguduud iyadoo ku andacootay in dagaal uu dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo dad shacab ah oo ku dhaqan deegaanka Warmooleey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore magaalada Ceelbuur
Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada codka Maraykanka ( VOA ) ayaa war been abuur ah ka sheegtay Wilaayada Galguduud iyadoo ku andacootay in dagaal uu dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo dad shacab ah oo ku dhaqan deegaanka Warmooleey.


Idaacada codka Maraykanka ayaa sheegtay in dagaalku uu yimid kadib markii Mujaahidiintu ay dhaqaale waydiisteen dadka deegaanka islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo halkaas ka dhashay sida ay hadalka u dhigtay.

Shabakada Wararka SomaliMeMo ayaa xiriir la samaysay deegaanka Warmooleey waxayna bulshada ku dhaqan deegaanka ay noo sheegeen in haba yaraatee wax iska hor imaad ama dagaal ah uusan dhicin oo deegaanku uu yahay mid nabdoon, warka ay sheegtay Idaacada Maraykankuna uu yahay waxba kama jiraan.


Odayaasha iyo waxgaradja deegaanka Warmooleey ayaa SomaliMeMo u sheegay in habayaraatee wax  dhibaato ah aanay deegaankooda ka dhicin islamarkaana ay nolol maalmeedkooda si caadi ah ugu hawlanyihiin.

Sidoo kale Maamulka Islaamiga ah ee Wilaayada Galguduud oo ay SomaliMeMo wax ka waydiisay warkaan ay VOA sheegtay ayaa sidoo kale beeniyay in wax dagaal ah uu deegaankaas ka dhacay, oo wax dhib ah aysan ka dhicin marka laga reebo carruur yar yar oo xalay ay ku qaraxday bambo ay ku ciyaarayeen nawaaxiga deegaanka  Ceel Cali Mire oo hoostaga Degmada Dhuusamareeb.

Carruurtan ayuu maamulku sheegay in bambada ay ku ciyaarayeen ay kasoo qaadeen goob ay muddo deganaayeen ciidamadii Itoobiya ee duullaanka kusoo qaaday  Galguduud, waxayna wararku sheegayaan  in labo kamid ah carruutaas ay dhinteen, saddex kalena ay dhaawacmeen.

Idaacada ku hadasha Afka Maraykanka ee VOA ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale warar been abuur ah uga sameysay Wilaayaatka Islaamiga ee ay Mujaahidiintu maamulaan arrinkaas oo loo qaadan karo inay qayb ka tahay dagaalka uu Maraykanku ku hayo Ummada Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed