Al Shabaab Oo Saraakiil Katirsan DF-ka Ku Dishay Magaalooyinka Beled Weyne iyo Baardheere.

Monday February 12, 2018 - 07:29:17 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Saraakiil Katirsan DF-ka Ku Dishay Magaalooyinka Beled Weyne iyo Baardheere.

    Dilal qorshaysan oo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan oo khasaara dhaliyay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Xalay Fiidkii ayay dagaalyahanno katirsan  Xarakada Al-Shabaab waxay askari katirsanaa ciidamada DF-ka ku dileen galbeedka magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dad Goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga dilka geystay ay horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay, ragga weerarka fuliyay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay mana jirin wax eryasho ah oo ay kala kulmeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee Hiiraan ku sugan.



Dhinaca kale weerar xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa lagu dilay mas'uul katirsanaa maamulka Dowladda Federaalka ugu magacaaban gobolkaas, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay bartamaha magaalada ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Axmadeey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay horay usii qaateen hub iyo dukumiintiyo uu watay sarkaalka ladilay, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda dhammaan weerarada ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 


Related Items