Wariyaal Katirsan Idaacadda Dalsan oo Muqdisho Lagu Xiray iyo DF-ka oo Cadaadinaysa Saxaafadda Madaxa Banaan.

Wednesday September 03, 2014 - 12:55:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyaal Katirsan Idaacadda Dalsan oo Muqdisho Lagu Xiray iyo DF-ka oo Cadaadinaysa Saxaafadda Madaxa Banaan.

    Maalin kadib markii Dowladda Federaalka ay amar adag dul dhigtay warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga loo taxaabay saxafiyiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kadib markii Dowladda Federaalka ay amar adag dul dhigtay warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga loo taxaabay saxafiyiinta.

Maanta barqadii ayay ciidanka Ashahaadda ladirirka Nabad sugidda lagu magacaabo waxay xireen mas’uuliyiin katirsan Radio Dalsan.

Wariye ku sugan Muqdisho ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay Wariyaasha kala ah Xasan Cali Geeseey iyo Abuukar Xashara oo labaduba katirsan Radio Dalsan.

Idaacadda ayaa xalay baahisay war liddi ku ah mamnuucistii maamulka Xasan Sheekh ee ahaa in wararka ku saabsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin aan warbaahinta madaxa banaan laga baahin Karin.


"Xasan Cali Geeseey iyo Abuukar Muxidiin Xashara oo labaduba katirsan Idaacadda Dalsan ciidanka Nabad sugidda ayaa xiray kadib markii ay idaacaddu kasoo horjeesatay amarkii ahaa in aan labaahin Karin wararka Al Shabaab ku saabsan”ayuu yiri Saxafi SomaliMeMo lahadlay.

Tani waa cadaadis kale oo ladul dhigay bahda saxaafadda Muqdisho waana markii ugu horreysay oo maamul kajira soomaaliya uu mamnuuco war ku saabsan dhinac kamid ah dhinacyada ku loolamaya Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dadka soo xusuusinayasa xiligii dowladdii Siyaad Barre oo war aan warka dowladda aheyn uusan ka bixi jirin warbaahinta afka dowladda ku hadli jirtay.

Related Items