Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Burundi Oo Ka Dhacay Duleedka degmad Balcad.

Monday February 12, 2018 - 16:08:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Burundi Oo Ka Dhacay Duleedka degmad Balcad.

    Weerar hor leh ayaa ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Burundi lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh ayaa ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Burundi lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka shabeelaha dhexe ee duleedka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax miino uu burburiyay gaari gaashaaman oo ay  wateen ciidamada Burundi ee duullaanka ku jooga deegaanno iyo degmooyin gobolka katirsan gobolka.

Goob Jooge ku sugan Sh/dhexe ayaa warbaahinta u sheegay  in dhammaan ciidamadii la socday gaariga ay dhinteen balse lama oga tirada ciidamada ku dhintay qaraxa.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo dheeraad ah ay gaareen goobta qaraxu ka dhacay waxayna isku gedaameen goobta oo uu yaal gaarigii qaraxa lagu burburiyay.

Ciidamada Burundi ee xoogga ku jooga gobolka Sh/dhexe ayaa weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo kala kulmaya xoogaga Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/dhexe, sanaddii lasoo dhaafay ee 2017 qaraxyo iyo weeraro lagu dhiig bixiyay ciidamada Shisheeye ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed