Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xoog kugal ah ka fuliyay degmada Qoryooleey oo kamid ah degmooyinka Sh/Hoose.
Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoos ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen degmada Qoryooleey oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada Maleeshiyaadka DF-ka waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas
Wariy ku sugan ayaa soo sheegay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen inta badan xaafahada ay ka koobantahay magaalada Qoryooleey, maleeshiyaadka DF-ka ayaa u firxaday dhanka saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka magaaladaasi kuyaal.
Weerarkan oo ahaa mid kadis ah ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM ayaa saaka dhaq dhaqaaq melleteri ka sameeyeen halka loo yaqaan xera koowaad balse ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhankooda qaaday weerar ka fajaciyay dhinacyada cadawga ah.
Saldhigga ciidanka Uganda ee duleedka Qoryooley ayaa isna weerar culus kala kulmay ciidamada shabaabul Mujaahidiin,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay dib uga gurteen Qoryooleey.
Liibaan Jeexoow Cabdi
Ciidamada Al Shabaab Oo Saacado Kooban la Wareegay Magaalada Qoryooley Ee Sh/Hoose.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xoog kugal ah ka fuliyay degmada Qoryooleey oo kamid ah degmooyinka Sh/Hoose.