Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dib Ula Wareegay Degmada Awdheegle iyo Dhammaan Deegaanaddii Ay Huwantu Qabsadeen.

Monday February 12, 2018 - 19:09:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dib Ula Wareegay Degmada Awdheegle iyo Dhammaan Deegaanaddii Ay Huwantu Qabsadeen.

    War goordhow nagasoo gaaray gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay dib ula wareegeen dhammaan degmooyin iyo deegaanno ay saaka qabsadeen ciidamo huwan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow nagasoo gaaray gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay dib ula wareegeen dhammaan degmooyin iyo deegaanno ay saaka qabsadeen ciidamo huwan ah.


Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa SomnaliMeMo khadka taleefanka ugu xaqiijiyay in maanta gelinkii dambe ay ciidamada huwanta ah oo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay dib uga gurteen degmada Awdheegle iyo deegaannada,Daaru-Salaam, Mubaarak iyo Ugunji oo dagaallo culus marti geliyay maanta gelinkii hore.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa gaaf wareegaya deegaannadii lagu dagaallamay iyagoo baaritaanno ku haya goobihii ay saacadaha kooban ku sugnaayeen ciidamada shisheeye.


Intii ay ciidamada shisheeye ku sugnaayeen deegaannada hoos yimaad degmada Awdheegley waxay xad gudubyo ugeysteen dadka deegaanka, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in laba qof oo uu kamid ahaa Oday dhaqameed ay ciidamada huwanta ah ku dileen deegaanka Mubaarak, sidoo kale dhac iyo boob ayay ka geysteen goobaha ganacsiga deegaannaddii ay cagta mariyeen.

Xoogaga Al Shabaab ayaa illaa iyo 6 weerar u dhigay ciidamada huwanta ah intii ay ku sugnaayeen duleedka Awdhgeele, weerarada ugu badan waxay ka dhaceen Mubaarak iyo Ugunji, ciidamada shisheeye ee weerarka qaaday saaka aroortii hore ayaa isugu jiray AMISOM,American iyo Maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Bangaraafta loo yaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed